Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galka Baarista: Xaguu ku dambeeyey baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil?


Galka Baarista
Galka Baarista

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa 21-kii bishii tagtay heshiis ka gaaray khilaaf muddo u dhaxeeyay.

Khilaafkaas ayaa ka dhashay sida loo wajahayo baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ah gabar ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka ee NISA oo la la’yahay, oo ay haya’ddu sheegtay inay dileen Al-Shabaab, taasi Al-Shabaab ay iska fogeysay. Waxaa qodobada heshiiska ka mid ah in hay’adaha caddaaladda loo madax baneeyo inay baaraan kiiskan.

Haddaba xagee ku dambeeyaa baaritaanka kiiskan? Waa qodobka aan ku eegeyno barnaamijka Galka Baarista, waxaana soo jeedinaya Haaruun Macruuf.

Galka Baarista: Xaguu ku dambeeyey baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil?
please wait

No media source currently available

0:00 0:21:42 0:00


XS
SM
MD
LG