Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ilaalada Xeebaha Britain oo soo badbaadiyay muhaajirin Soomaali ah


Ilaalada Xeebaha Britain ayaa Isniintii labo nin oo Soomaali ah ka soo badbaadiyay xeebta Essex ee bariga gobolka Ingiriiska ee dalka Britain, kuwaas oo la socday dooni yar oo kasoo gudubtay biyaha u dhexeeya Farasiiska iyo Britain – waxaa iyana wali aan la hayn 3 qof oo saaraa isla doonta oo la rumaysan yahay in ay ka dhaceen doontaas markii ay kasoo baxeysay dhanka faransiiska.

Wariyaha VOA-da ayaa safarkan halista ah wax ka weydiiyay Raage Omaar oo ah tafatiraha wararka dibadda ee ITV isla markaana warbixintan ku eegaya muhaajiriinta usoo gudbaya biyaha English Channel.

Ilaalada Xeebaha Britain oo muhaajirin Soomaali ah soo bad baadiyay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:51 0:00


XS
SM
MD
LG