KISMAAYO —
Abaaraha ku dhuftay qeybo kamid ah deegaanada Jubaland ayaa galaaftay ilaa 34 kun oo neef, sida ay sheegeen masuuliyiinta Wasaarada Xannaanada Xoolaha Jubbaland, iyada oo sidoo kalena laga cabsi qabo in ay saamayn ku yeeshaan dadka.
Biyo la'aan sababtay oon iyo harraad ayaa sidoo kale laga soo sheegaya dhulka miyiga ah ee Jubaland.
Wasaarada Xannaanada Xoolaha ee Jubaland ayaa soo saartay warbixin la xiriirta baaxada abaaraha iyo saameenta ay ku yeesheen Xoolaha nool.
Wariyaha VOA ee Kismayo Aadan Maxamed Salaad ayaa arintan ka waraystay Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha Jubbaland Maxamed Nuur Cali.
Facebook Forum