Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxda Arsenal oo guuldarro ku billowday horyaalka Ingiriiska


Horyaalka Ingiriiska ee Premier League-ga ayaa si xamaasad leh ku billowday Jimcihii, iyadoo kooxda Brentford ay cayaartay kulankoodii ugu horreeyay ee horyaalka muddo 74 sanadood ah, kaddib markii ay 2-0 uga badisay kooxda Arsenal ciyaartii ka dhacday garoonkeeda cusub.


Sergi Canos iyo Christian Norgaard ayaa Brentford u kala dhaliyay labada gool, waxaana guushan ku farxay taageereyaasha kooxdan, iyadoo ay guushan aheyd mid ay u qalantay kooxda Brentford.

Arsenal waxaa ka maqna labadeeda weeraryahan ee Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette.

Taageereyaasha Arsenal ayaa ka niyadjabay guuldarradan, waxaana baraha bulshada lagu arkayay iyagoo ku baaqaya in la eryo tababare Mikel Arteta.

"Aad ayaan uga niyadjabnay qaabka aan ku billownay xilli ciyaareedkan. Runtii waxaan laheyn rajo sare, mana aynaan helin natiijadii aan rabnay" ayuu Arteta u sheegay boggaa kooxda Arsenal.

Warbixintan waxaa ku jira maclumaad aan ka soo xignay Reuters.

XS
SM
MD
LG