Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muxuu ka dhigan yahay kulankii Rooble iyo Uhuru Kenyatta?


Rooble iyo Uhuru
Rooble iyo Uhuru

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo weli ku sugan dalka Kenya, ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi kadib markii uu shalay Mombasa kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta, iyadoo labada dhinac ay isku afgarteen xoojinta xiriirka labada dal.

Wafdiga Soomaaliya ayaa ka carooday qoraal madaxtooyada Kenya ayaa shirkaasi kadib soo saartay oo lagu sheegay in Uhuru Kenyatta uu ku baaqay in xal saaxiibtinimo ah laga gaaro muranka badda ee labada dhinac, laakiin markii danbe qoraalkaasi madaxtooyada Kenya way ka saartay.

Haddaba muxuu kulanka Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku soo kordhinayaa xiriirka labada dal, maxayse yihiin heshiisyada ay labada dhinac gaareen?

Falastiin Axmed Iiman ayaa arrimahaas ka wareysatey Prof. Liibaan Xuseen Ciise oo wax ka dhiga Jaamacada Muqdisho kana mida hogaamiyayaasha ururada bulshada rayidka.

Muxuu ka dhigan yahay kulankii Rooble iyo Uhuru Kenyatta?
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:24 0:00


XS
SM
MD
LG