Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM oo lagu eedeeyay toogashada dad rayid ah


African Union (AMISOM) soldiers from Burundi stand to attention in Mogadishu

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka AMISOM ee halkaasi ka howlgala ay Talaadadi shalay ku dileen ilaa Todobo qof oo rayid ah oo ay ku jireen beeraleey caan ka ahaa deegaanka.

Ilo wareedyo ayaa VOA u sheegay, in ciidanka AMISOM ay dadkan kasoo wateen beerta Faarax , kaddibna ay toogteen.

Ragga la toogtay waxaa ka mid ahaa nin lagu magacaabo Cumar Ganeey oo ka mid ahaa beeraleyda caanka ah ee deegaanka Golweyn.

Faah-faahinta sida ay wax u dhaceen ayaa wariyaha VOA-da Nur Hassan Nur uu ka wareystay mid ka mid ah beeraleyda deegaanka oo wax kasoo qaaday meydadka dadka la dilay.

Sababo amni dartood goob-joogahan ayaa ka codsay in aan la shaacin magaciisa.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:02 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG