Isku xirrada

War Deg-Deg ah

War-saxaafadeed laga soo saaray kulankii Uhuru iyo Rooble


Rooble iyo Uhuru
Rooble iyo Uhuru

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa soo dhoweeyey soo celinta xiriirka diblomaasiyadaeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Hadalkan ayuu ku sheegay war saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Kenya. Kenyatta ayaa sidoo kale ku sheegay war saxaafadeedka inuu waacusub u beryay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Kenyatta ayaa hadlayey kadib markii uu kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusene Rooble oo maanta dalkaasi booqasho ku tagay.

War-saxaafadeedka ayaa waxa ku jiray meel lagu sheegay in Kenyatta u uku baaqay in arrinta badda ee ka dhaxaysa labada waddan lagu xalliyo si saaxiibtinnimo ah. Si kastaba, qeybtaas ayaa markii dambe laga saaray war-saxaafadeedka, oo lasoo dhigay website-ka madaxtooyada Kenya.

Mas’uuliyiinta Soomaalidu iyagu waxay horey ugu adkaysteen in muranka badda ay dhagaysatay maxkamadda caalamiga ah ee garsoorka ayna go’aanka maxkamadda uun sugayaan.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu sheegay inuu ka xun yahay xiriirka xumaaday ee labada waddan.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya inuu garawsan yahay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in saaxiibtinnimada labada waddan ay ku salaysan tahay deris wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam, sida lagu sheegay war-saxaafadeedkaas.

XS
SM
MD
LG