Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooble iyo Uhuru Kenyatta oo wada-hadallo yeeshay


Rooble iyo Uhuru Kenyatta
Rooble iyo Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku kulmay magaalada Mombasa kadib booqashadii maanta uu dalkaasi ku tagay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Madaxtooyada Kenya ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen dhowr arrimoood oo istiraatiiji u ah danaha ay wadaagaan labada waddan. Waxay sheegeen in qodobada laga wada hadlay ay ugu waaweyn yihiin soo celinta xiriirka diblomaasiga ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxtooyada Kenya waxay intaas ku dartay in Kenya iyo Soomaaliya ay saxiixeen Guddiga Iskaashiga Wadajirka ah ee 2015-kii. Waxaay sheegeen in Guddigaasi uu qeexayo baaxadda iskaashiga labada wadan ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, gaadiidka, difaaca iyo amniga.

Wada-hadallada Mombasa kadib, wuxuu Rooble sidoo kale safar ku tagi doona magaalada Nairobi, halkaas oo uu kula kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi iyo diblomaasiyiinta dalalka daneeyaa arrimaha Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG