Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xal ma loo heli karaa dhibaatooyinka ka jira jidadka magaalada Muqdisho?


Saalax Xasan Cumar, afhayeenka gobolka Banaadir
Saalax Xasan Cumar, afhayeenka gobolka Banaadir

Darawallada gaadiidka Bajaajta ee ka dhex shaqeysta magaalada Muqdisho ayaa aad uga cabanaya waddooyin xumo ay sheegeen inay ku haysato magaalada, waxayna sheegayaan in bishii ay bixiyaan 15 dollar oo cashuur ah, hase ahaate aan lacagtaas loogu qaban adeegga xagga waddooyinka ee ay u baahan yihiin.

Waxa ay sheegeen in waddooyinkii ay xireen biyo, bulaacado, iyo dad ootay qaybo ka mid ah wadooyinka.

Haddaba Caasha Ibrahim Aden (Caasha Cuud) ayaa khadka taleefanka ee Muqdsiho kula xiriirtay Saalax Xasan Cumar, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, waxaana ay ugu horreyn weydiisay waxa ka jira dhibaatada waddo xumida ee ay ka cabanayaan Bajaajleyda Muqdisho.

Xal ma loo heli karaa dhibaatooyinka ka jira jidadka magaalada Muqdisho?
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:23 0:00

XS
SM
MD
LG