Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo $7.2 milyan ku biirineysa kharashka doorashada Soomaaliya


Xafiiska Qaramada Midoobya ee Soomaaliya ayaa doorashada Soomaaliya ku biirinaya lacag dhan 7 milyan iyo 200 kun oo dollar oo ah lacagta Maraykanka, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dawladda Soomaaliya.

Afhayeenka dawladda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu la saxiixday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya deeqdaas lacageed oo ah qaybta deeq bixiyayaasha ay ku bixinayaan kharashka ku baxaya doorashada waddanka ka dhacaysa.

Mas'uuliyiinta dawladdu ma aysan sheegin in dawladda Soomaaliya ay iyaduna saami lacageed ku biirinayso kharashka doorashada.

Doorashada Aqalka Sare ayaa dhowaan ka bilaabatay waddanka, iyadoo dhowanana la filayo inay dhammaan maamulladu soo gabagabeeyaan doorashada Aqalkaas.

Waxaa illaa hadda la doortay sagaal Senator, oo afar ka mid ah laga soo doortay maamulka Jubaland, halka shan kalena laga soo doortay maamulka Koonfur Galbeed.

XS
SM
MD
LG