Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooble oo amray hay'adaha dowladda inay shaqadooda sii wataan kadib amarkii Farmaajo


Rooble
Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu farayo in dhammaan hay’adaha dawladda federaalka ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan dastuurka ku meel-gaarka ah ee dalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in hay’adaha dawladdu ay joogteeyaan adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee qaranka.

War-saxaafadeedkan ayaa imanaya maalin kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu wareegto ku joojiyey in hay’adaha dawladdu ay heshiiyo ama is-afgarad la galaan dawldaha, iyo shirkadaha shisheeye ilaa inta doorashada laga soo gabagabaynayo.

Madaxwyenaha ayaa wareegtada uu soo saaray ku sheegay inay reeban tahay ilaa doorashada kadib in wasaaradaha iyo hay’adaha dawladdu ay magaca dawladda ku galaan is afgarad ama wadahadallo saamaynaya mustaqabalka waddanka, madaxbannanaida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee Soomaaliya, sida lagu sheegay wareegtada madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isagu qoraalka uu maanta soo saaray ku sheegay in awoodda fulinta ee dawladda federaalka uu leeyahay golaha wasiirrada, ayna u qabanayaan, sida dastuurka ku timaamaan, sida lagu sheegay qooraalkaas.

“Xukuumaddu waxa ay sidoo kale mas’uuliyad ka saaran tahay Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka, ilaalinta danaha dalka iyo Dadka Soomaaliya, sidaas la mid ah Dastuurka Qaran ayaa u xilsaaraya Xukuumadda Federaalka ah wada-xaajoodyada la xiriira Kaalmada Dibadda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee laxiriira hishiisyada caalamiga ah,” ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ku sheegay qoraalkaas.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale sheegay in dalku uu ku jiro marxalad adag oo dhammaan hay’adaha dastuuriga ah uu ka dhamaaday muddo-xileedkoodii caadiga ah loona baahan yahay in si xilkasnimo leh looga gudbiyo dalka marxaladan kala guurka ah, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

XS
SM
MD
LG