Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay ka wada-hadleen mas'uuliyiinta Soomaaliya iyo Raychelle Omamo?


Rooble iyo Omamo
Rooble iyo Omamo

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa wada-hadallo la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo, oo maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Labada wasiir ay yeesheen wada hadallo saabsan xiriirka labada dal, “ayna wada xuseen muhiimadda ay leedahay qaadista tallaabooyin la taaban karo si loo muujiyo xurmadda madax -bannaanida, midnimada dhuleed iyo madax -bannaanida siyaasadeed, kuwaas oo ah gundhigga xiriirka labada dal.”

Weli lama shaacin wax qodob ah oo labada dhinac ay isku raaceen.

Kulankaas ayaa kadib, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu xafiiskiisa ku qaabilay Raychelle Omamo, waxaana sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa, ay ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal.

“Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta,” ayaa lagu yiri qoraalka Kenya.

Dhinaca kale, xafiiska Rooble ayaa sheegay “in xukuumadda Soomaaliya ay adkeyneyso in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.”

Dhinaca kale, Ilo wareedyo ayaa VOA u xaqiijiyay in socdaalka Raychelle Omamo uu ku saabsanyahay wadahadal la xiriira sidii dowladda Soomaaliya ay xayiraadda uga qaadi laheyd Jaadka Kenya.

XS
SM
MD
LG