Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabdi Xaashi oo diiday 'soo jeedin ka timid' Rooble


Rooble, Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi
Rooble, Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa diiday soo-jeedin ka timid ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida uu ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in kulan shalay dhex maray isaga, Rooble iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed uu ra’iisul wasaaraha ku dalbaday “Inuu kusoo wareejiyo tallada iyo maamulka doorashada kuraasta xildhibaanada labada gole ee Somaliland.”

“Golaha Siyaasiyiinta Somaliland wuxuu kugu wargelinayaa in aan masiir umadeed la wareejin karin oo ay dadka reer waqooyi xaq dastuuri ah u leeyihiin ka tashiga aayahooda iya hubinta madaxbanaanida doorashada 57-da kursi ee ay ku leeyihiin labada gale,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Cabdi Xaashi ayaa qoraalka kusoo jeediyey saddex qodob oo uu sheegay in lagu xalin karo khilaafka ka taagan guddiyada doorashada gobollada waqooyi, kuwaas oo kala ah:

1- In isaga iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed ay noqdaan hoggaan wada-jir ah oo haga maamulka doorashada xildhibaanada waqooyi.

2- In dib loo mideeyo guddiyada doorashada gobollada waqooyi oo laba garab u kala jabay, loona qeybiyo hoggaanka, ayada oo dhinac la siinayo guddoomiyaha guddiga, dhinaca kalena guddoomiye ku-xigeenka iyo xoghayaha guddiga.

3- In doorashada kuqabsoomto gudaha Xalane, oo ay amnigeeda sugaan ciidamada booliska Soomaaliya iyo AMISOM.

Heshiis la’aanta guddigan ayaa hortaagan inay billaabato doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobollada waqooyi.

Halkan hoose ka aqriso warqadda Cabdi Xaashi

XS
SM
MD
LG