Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiye Cirro oo ka hadlay doorashadii Kismaayo


Guddoomiyaha Guddiga Doorashada heer federaal
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada heer federaal

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa maanta ka billaabatay magaalada Kismaayo ee Xarunta ku-meel gaarka ah ee maamulka Jubaland.

Afarta Sanatar ee maanta ku guuleystey doorashada ayaa kala ah; Ilyaas Badal Gaboose, Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan iyo Iftiin Xasan Iimaan Baasto. Jubbaland ayaa dooran doonta maalmaha soo socda afar xubnood oo kale.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada heer federaal Maxamed Xasan Cirro oo la hadlay VOA ayaa ka warbixiyay doorashadii maanta ka dhacday magalada Kismaayo iyo sababta keentay in maamulada kale aysan wali u diyaar garoobin qabashada doorashada Baarlamanka Aqalka Sare.

Wariyaha VOA ee Kismaayo Aadan Maxamed Salaad ayuu u waramay Gudoomiyaha.

Guddoomiye Cirro oo ka hadlay doorashadii Kismaayo
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:31 0:00


XS
SM
MD
LG