Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo $199 milyan oo horleh ugu deeqay Soomaaliya


Dowladda Mareykanka ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqday gargaar bani’aadannimo oo cusub oo ay ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay gudaha dalka iyo kuwa qaxootiga ku ah qaar ka mid ah dalalka deriska.

War kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay, in Dowladda Mareykanka ay ku biirineyso lacag dhan ku dhawaad 199 milyan oo dollar, kaalmada bani’aadannimo ee ay sannadkaan ugu deeqday shacabka Soomaaliya siisay.

Mareykanka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay isu biirsadeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin sannado badan oo cunto-yari ah, qalalaaso iyo abaaro iyo fatahaado soo noqnoqday, taasoo ay uga sii dartay saameynta COVID-19 iyo ayax dhawaan ku habsaday dalka.

Deeqdaan lacageed ayay dowladda Mareykanka dadka Soomaaliyeed u sii marsiisay Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Mareykanka ee loo soo gaabiyo (USAID) iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda. Waxana tani ay ka dhigeysaa in guud ahaan sanadkaan 2021-ka ay dowladda Mareykanka ugu deeqday dadka Soomaaliya lacag ka badan $408 milyan oo doolar.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in lacagtaan lagu caawin doono dad gaaraya lix milyan oo Soomaali ah oo hadda u baahan gar-gaar bani’aadannimo. Dadkaan ayaa waxaa ka mid ah sadddex milyan oo qof oo ku barakacay gudaha dalka iyo ku dhawaad nus milyan qof oo qaxooti ku ah xeryaha qaxootiga ee dalalka Djibouti, Ethiopia iyo Kenya.

XS
SM
MD
LG