Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kiiska Ikraan Tahliil oo loo magacaabay guddi baara


Maxkamadda Ciidamada
Maxkamadda Ciidamada

Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Genaral Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa sheegay inuu guddi u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ah gabar u shaqeyneysay hay’adda NISA oo la la’yahay.

Ikraan ayaa waxaa markii ugu dambeysay la arkay 26-kii June, xilligaas oo xilli habeen ah ay raacday gaari u diiwaan gashan hay’adda NISA, sida ay waalidkeed sheegeen.

Gudidiga uu magacaabay Genaral Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa ka kooban saddex sarkaal oo ka kala socda xafiiska xeer ilaalinta, booliiska iyo Nabad-Sugidda, waxaana shaqadoodu tahay inay baaraan kiiska Ikraan.

Xeer Ilaaliye Kamaay ayaa faray taliska hay’adda NISA inay kala shaqeeyaan saraakiisha magacaaban waddo kasta oo lagu gaari karo danta cadaaladda.

Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale sheegay inuu aqbalay furashada gal-dacwadeed ay u soo gudbisteen ehelka maqanad Ikraan Tahliil Faarax.

XS
SM
MD
LG