Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo hoobiyeyaal ku weeraray Awdheegle


Hoobiye
Hoobiye

Kooxda Al-Shabaab ayaa hoobiyeyaal ku weeraray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo khasaare nafeed uu ka dhashay.

Weerarka oo dhacay xalkay ayaa waxaa ku dhaawacmay 15 qof oo shacab ah, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen VOA.

Dhinaca kale, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay ka jawaabeen weerarka, islamarkaana ay dileen saddex ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday.

Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa warbaahintooda ku sheegtay in wewerarka hoobiye ah ay la beegsadeen saldhigga ciidamada dowladda, kuna dhaawaceen 10 askari.

XS
SM
MD
LG