Isku xirrada

War Deg-Deg ah

RW Rooble oo xilka ka qaaday labo sarkaal oo ka tirsanaa NISA


Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday laba sarkaal oo ka tirsan Hay'adda Nabad Sugidda Soomaaliya. Af-hayeneka Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in labadaasi xubnood ay kala yihiin Agaasimhiii shaqaalaha ee Hay'adda Nabad Sugidda, Cabdullaahi Kulane iyo Taliyaha Hay'adda NISA ee garoonka diyaaradaha Cabdiwahaba Sheekh Cali.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay markii muwaadiniin Soomalaiyeed laga hor istaagay inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha sida uu sheegay Af-hayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa dhowaan ku gooddiyey inuu tallabao ka qaadi doono cidda muwaadiniinta ka hor istaagta inay u safraan degaannadooda.

Dhageyso xil-ka-qaadista shaqaalaha NISA
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:12 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG