KISMAAYO —
Guddigii uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil saaray arrimaha Gobolka Gedo si doorashada Baarlamanka oga dhacdo Garbahaareey ayaa galinkii dambe ee shalay illaa xalay kulamo ku lahaa magaalada Kismaayo.
Guddiga ayaa la kulmay mas’uuliyiinta maamulka Jubaland iyo odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Gobolka Gedo garabka taageersan maamulka Jubbland, waxaana ay gudigan ay wadaan dadaallo lagu xalinayo xiisadda Gobolka Gedo ee u dhaxeeysa Jubaland iyo dowladda Federaalka.
Warbixintan waxaa Kismaayo kasoo diray weriyaha VOA Aadan Maxamed Salaad.