Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada Labada Aqal Malagu Qaban Karaa Waqtiga loo Qorsheeyay?


Guddiga doorashooyinka federalka ee Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen ku shaaciyay jadwalka doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee 2021-ka.

Hase ahaatee, dadka sida dhow ula socda arrimaha doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in xilligan ay suura-gal tahay in dib u dhac uu ku yimaado jadwalka doorashada ee ay dhowaan ku heshiiyeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Xubno ka tirsan bulshada rayidka ayaa u sheegay VOA in xilligan ay muuqato in waqtiga uu yahay mid kooban sida ka muuqata jadwalka ay soo saareen guddiga heer federaal ee doorashooyinka.

Faahfaahinta warkan waxaa Muqdisho ka soo diray Wariyaha VOA, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Jadwalka Doorashada oo la shaaciyay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:31 0:00

Dhinaca kale, jadwalka ayaa ku soo aadaya iyadoo aan si rasmi ah loogu dhawaaqin in la xalliyay khilaafka gobolka Gedo, ismariwaaga ka taagan gobolka Hiiraan iyo kala qeybsanaanta u dhexeysa Gudiga Doorashada ee maamulaya xildhibaannada Somaliland.

Wariyaha VOA, Cabdulqaadir Maxamed Samakaab oo khadka telefoonka kula xiriiray Gudoomiyaha Guddiga Doorashada heer federal Maxamed Xasan Cirro, wuxuuna fugu horreyn weydiiyay jadwalka ay soo saareen.

Wareysi: Gud. Guddiga Doorashooyinka heer federaal
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:17 0:00

XS
SM
MD
LG