Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DF iyo dowlad goboleedyada oo heshiis ka gaaray waxbarashada


Wasiirada Waxbarashada Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada
Wasiirada Waxbarashada Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Dowladda Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa gaaray heshiiska lagu soo afjaray khilaafkii waxbarashada iyo in la is waafajiyo mustaqbalka manaahijta waxbarasho ee dalka.

Heshiiskan ayaa lagu gaaray shir maalmihii lasoo dhaafay ay Garowe ku yeesheen wasiirrada waxbarashada dowladda Soomaaliya maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Qodobbada ay dhinacyada ku sheshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in maamullada ay u madax bannaadaan imtixaanaadka shahaadiga islamarkaana ay qaab online ah u daabacan karaan shahaadada iyagoo maraya hannaan loo dajiyay heystana ogolaanshaha wasaaradda waxbaeashada ee dowladda Soomaaliya.

Wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Mursal Samakaab ayaa khadka telefonka kula xiriiray wasiirka waxbrashada ee Galmudug Maxamed Xaashi Dhoorre oo kamid ah xubnihii shirkaasi ka qeybgalay, wuxuuna ugu horreyn weudiyay waxa uu ku saabsanaa shirkooda.

Wasiirada Waxbarashada
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:31 0:00


XS
SM
MD
LG