Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo baaq u dirtay South Africa kadib muwaadiniin la dilay


Mohamed Abdirizak, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Mohamed Abdirizak, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay rabshadaha iyo biliqada ka socda dalka South Africa, halkaas oo lagu dilay in ka badan 70 ruux oo ay ku jiraan afar qof oo Soomaali ah.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Talaadadi ayaa lagu sheegay in 72-dii saac ee lasoo dhaafay gobolka KwaZulu-Natal lagu dilay 4 qof oo Soomaali ah qaar kalana lagu dhaawacay, isla markaana lagu boobay hantidooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Dowladda South Africa in ay xoogga saarto sida ugu habboon ee ay kooxaha burcadda iyo tuugada uga ilaalin laheyd muwaadiniinta Soomaalida iyo ganacigooda.

Dhanka kale ilaa 72 qof ayay sii mareysaaa tirada dadka ku dhintay rabshadaha ka socda dalk South Africa tan iyo marki la xiray madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma todobaadki hore.

Talaadadi shalay booliska oo kaashanaya ciidamada millatariga ayaa gobollo badan oo dalkaasi ka mid ah uga hortagay dad badan oo boob iyo bililaqo u geysanayay goobo ganacsi.

Madaxweynaha South Africa ayaa dadka bililqada iyo rabshadaha wada ugu baaqay in ay joojiyaan falalka gurracan ee ay wadaan, sidoo kalana ku boorriyay guud ahaan shacabka xasillooni.

XS
SM
MD
LG