MUQDISHO —
Muran cusub ayaa ka dhex dhashay guddiga maamuli doona doorashada xubnaha kasoo jeeda Somaliland ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ka mid noqonaya.
Guddigan ayaa u kala jabay laba garab oo kala taabacsan Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Faahfaahinta warkan waxaa Muqdishu kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.