DOOLOOW —
Duleedka degmada Dooloow ee gobolka Gedo waxaa ka biloowday dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac waxaana dagaalkan uu ka dhashay dhul beereed la isku heysay, iyadoo inta la xaqiijiyay ay dagaalkan ku naf waayeen lix qof.
Maamulka Gobolka Gedo iyo qeybaha bulshada degmada Dooloow ayaa u istaagay daminta colaadan oo sidoo kale ay dad badani ku barakaceen.
Wariyaha VOA ee Magaalada Kismaayo Aden Maxamed Salaad ayaa warbixintan inoo soo diray.