Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabdhaha da'da yar iyo xallinta khilaafyada


Muqdisho

Dalka Soomaaliya waxa uu kasoo baxayaa dhibaatadii shacabka kasoo gaartay colaadahII sokeeye, waxaana sanadihii dembe aad u kordhayay dadka u ololeeya nabadda iyo ka shaqeynteeda, dadkaas waxaa kamid ah gabdho yar yar oo ku dhashay kuna bar-baaray Soomaaliya intii ay socdeen colaadaha sokeeye, waxayna qaarkood hadda baranayaan hannaanka loo xalliyo Khilaafaadka.

Dumarkaan dhallinta yar ee nabadda u ololeeya ayaa dhowaan loo soo gabagabeeyay tababar ay qeyb ka ahaayeen gabdho kale oo kasocday dalal kale oo ku yaalla bariga Afrika, waxaana la baray hannaanka loo xalliyo khilaafaadka, loona sameeyo wada-hadalka bulshada dhexdeeda ah.

Weriyaha VOA-da ee Muqdisho, Cabdicasiis Barrwo ayaa warbixintaan ku eegaya muhioimadda tababarjka noocaan ah uu u leeyahay dumarka ka shaqeeya nabadda Soomaaliya.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:21 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG