Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jubada Hoose: Deegaan laga masaafuriyo qofkii geed ka jaro


Deegaanka Qaamqaam ee waqooyiga magaalada Kismaayo waxaa muddo 30 sano ah ka dhaqangalay nidaam lagu ilaalinayo dhirta deegaanka, iyadoo qofkii geed jaro uu muteysto ganaax lagu soo rogo, deegaankana laga masaafuriyo.

Odayaasha deegaanka ayaa ku guuleystay mudadii ay dagaallada sokeeye ka jireen Soomaaliya in ay dhirta ka badbaadiyaan jarista iyo xaalufinta degaankaas, waxaana dadka degaanku sheegayaan in taasi ka dhigtay deegaanka Qaamqaam inuu noqdo kan ugu dhirta badan guud ahaan gobolka Jubbada Hoose.

Haddaba, deegaankaasi ayaa waxaa booqday wariyaha VOA ee magaalada Kismaayo Aadan Maxamed Salaad, warbixintan ayuuna nooga diyaariyay.

Jubada Hoose: Deegaan qofkii geed ka jaro laga masaafuriyo
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:10 0:00


XS
SM
MD
LG