Isku xirrada

War Deg-Deg ah

43 tahriibayaal ah oo ku geeriyooday doon ku burburtay xeebaha Tunisia


Ugu yaraan 43 muhaajiriin ah ayaa geeriyooday, kaddib markii dooni ay la socdeen ay ku degtay meel u dhow xeelabaha Tunisia, halka 84 kalena laga badbaadiyay, sida ay Sabtidii sheegtay hay'adda Bisha Cas ee dalka Tunisia.

Muhaajiriintaan ayaa u dhashay dalalka Masar, Sudan, Eritrea iyo Bangladesh, waxayna ka baxeen magaalada Zuwara ee Waqooyii-Galbeed Libya, iyagoo u tahriibayay qaaradda Yurub, gaar ahaan xeebaha Talyaaniga.

Bilihii u dambeeyay ayay sii kordheen dhacyooinka noocan ah ee sababa geeriyada tahriibeyaashaa ee ka dhaca xeebaha Tunisia.

Boqolaal kun oo qof ayaa ka gudbay halista badan Mediterranean-ka sannadihii la soo dhaafay, waxaana qaar badan oo ka mid ah dadkan ay ka cararayeen colaadaha iyo saboolnimada ka jirta Afrika iyo Bariga Dhexe.

Imaatinka Talyaaniga oo ka mid ah marinnada muhaajiriinta ee Yurub gala ayaa hoos u dhacayay sannadihii la soo dhaafay, laakiin 2021 ayay tirarada muhaajiriinta kor u kacday.

Ku dhowaad 19,800 oo muhaajiriin ah ayaa soo galay tan iyo bilowgii sanadka, halka sanadkii hore xilligan oo kale ay tirada imaanshaha muhaajiriinta ay aheyd 6,700 sida ay muujieneyso tirakoobka wasaaradda arrimaha gudaha ee Talyaaniga.

Xigasho: Reuters.

XS
SM
MD
LG