Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo ka hadashay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ay ku dhinteen 10-ka qof


Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho ayay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof halka tobaneeyo kalena ay ku dhawacmeen, waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta lagu canbaareeyay weerarkan oo ay dowladdu ku eedeysay in ay ka danbeysay kooxda Al-Shabaab.

Weerarka ayaa la sheegay in uu ka danbeeyay qof walxaha qarxa isku soo xiray oo beegsaday maqaayadda ku taalla isgoyska Jubba oo ay dad badani ku fiidsanayeen.

“Mar labaad al-Shabaab waxa ay caddeysay in rabshadda ay waddo aysan soohdin laheyn ayna si aan kala sooc laheyn u leyneyso dadka. Al-Shabaab waxa ay ku dadaashaa oo kali ah in ay gaysato burbur iyo fowdo. Himilooyinkaasina ma ahan kuwa meel ku leh Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay baahisay wakaaladda wararka SONNA ee dowladda u faafisa ayuu Ra'isul Wasaaruhu ku yiri ”Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisada Al-Shabaab galabta ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.”

Dowladda ayaa sheegtay in ay socdaan baaritaano ku aaddan weerarkan.

XS
SM
MD
LG