Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dr. Buurane oo lagu dilay magaalada Muqdisho


Dr. Buurane
Dr. Buurane

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu dilay Dr. Xasan Cusman Ciise oo ku magac dheeraa Dr. Buurane oo ahaa dhaqtar ku takhasusay cudurada maqaarka, wuxuuna ka mid ahaa dhaqaatiirta ugu caansan Soomaaliya.

Wariyaha VOA ee magaaladda Muqdisho Cabdulqaadir Cabdulle ayaa soo sheegaya in koox bastoolado ku hubeysan ay dhaqtarka ku dileen gurigiisa oo u dhow maqaayada Caynushami ee xaafadda Al-baraka.

Dhaqtarkan oo sidoo ka howlgali jiray rungta caafimaadka ee Buurane ee uu aas-aasay ayaa lagu sheegay inuu ahaa dhaqtar si bilaash ah ku daaweyn jiray dadka danyarta ah ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ka mid ahaa dhaqaatiirtii aan dalka ka bixin intiii ay socdeen dagaallada sokeeye.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka dhaqtartakan, waxaana dilalka qorsheysan ee nuucaan ah ay ku soo badanayaan magalaada Muqdisho, iyadoo todobaadkii hore dil kan la mid ah loogeystay Dr. Maxamed Cabdi Axmed oo ahaa guddoomiyihii degmada Xamar Ja-jab ee magaaladda Muqdisho.

Dr. Buurane wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka kahor intii aanu baran cilmiga caafimaadka billowgii sideetameeyadii.

Agaasimaha cisbitaalka Daarassalaam, ahna guddoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaliyeed Dr. Maxamed Yusuf ayaa sheegay in Dr. Buurane uu ka mid ahaa lix dhaqtar oo ku taqasustay xanuunada maqaarka oo uu dalku lahaa kuwooda ugu khabiirsan.

Caasho Ibrahim Aden oo kula xiriirtay khadka WhatsApka ayuu uga warramay geeridiisa iyo kaalinta uu ku dhex lahaa dhaqaatiirta iyo bulshadaba.

Dhageyso wareysiga Dr. Maxamed Yusuf.

Dhageyso wareysiga Dr. Maxamed Yusuf
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:46 0:00


XS
SM
MD
LG