Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tottenham oo shaqada ka ceyrisay tababare Jose Mourinho


Jose Mourinho
Jose Mourinho

Kooxda Kubadda Cagta Tottenham ee horyaalka Premier League ayaa shaqada ka ceyrisay tababare Jose Mourinho, ayada oo kooxda ay qarka u saaran tahay inaysan usoo bixin koobka horyaallada Yurub ee xilli cayaareedka dambe.

Mourinho oo 58 jir ah ayaa macallinka Tottenham noqday bishii November 2019, isaga oo beddelay macallinkii muddada dheeraa ee Mauricio Pochettino, hase yeeshee waxaa la eryey maanta, ayada oo kooxda ay kaalinta 7-aad kaga jirto horyaalka, kana soo hartay koobka horyaallada Yuurb.

Ceyrinta Mourinho aya atimid 6 maalmood kahor inta aysan kooxda cayaaran cayaarta kama dambeysa ee koobka Carabao Cup oo ay kaga horjeedo naadiga Manhester City, 25-ka bishan

Tottenham ayaa sheegtay in labada kaaliye tababare ee kala ah Ryan Mason iyo Chris Powell ay kooxda laylin doonaan illaa dhammaadka xilli cayaareedkan, markaasi oo kadib macallin cusub la magacaabi doono.

Tottenham ayaa la rumeysan yahay inay beegsaneyso macallinka kooxda RB Leipzig ee dalka Jarmalka Julian Naglessman oo 33 jir ah.

XS
SM
MD
LG