Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Puntland oo Gaaray Muqdisho


Saciid Deni
Saciid Deni

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, halkaasi oo la filayo in uu wareeg kale oo wadahadal uga bilaabmo madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dawladda federaalka.

Wareeggan wadahadal ayaa ku saabsan xallinta khilaafka ka taagan maamulka iyo maaraynta doorashada oo keentay in doorashadu ay dib uga dhacdo waqtigii lagu waday in ay ku qabsoonto.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa oo ka kicitimay magaalada Boosaaso duhurnimadii maanta ayaa waxaa warbixintan ujeedka safarka ku eegeysa Wariyaha VOA, Faadumo Yaasiin Jaamac.

Madaxweynaha Puntland oo Gaaray Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:45 0:00


XS
SM
MD
LG