Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heritage oo ka digtay dagaal dalka ka dhici kara


Heritage
Heritage

Machadka daraasaadka ee Heritage ayaa faalo kooban oo uu shalay soo saaray diginin ugu diray beesha caalamka, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyo siyaasiyiinta Soomaalida in ay suurtogal tahay in uu dalka ka dhaco dagaal haddii aan la qaboojin xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda iyo siyaasiyiinta mucaarka ah.

Heritage ayaa xustay inay lagama maarmaan tahay in siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda fedeeraalka ay kulan isugu yimaadaan ka hor inta uusan dhamaanin muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka harsan tahay wax ka yar 20 maalmood.

Caasho Ibraahim Aaden ayaa agaasima Machadka Heritage C/rashiid Khaliif Xaashi ka wareysatay nuxur faalada kooban ee ay soo saareen.

Dhageyso faalada Heritage.

Dhageyso Faalada Mac-hadka Heritage
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:53 0:00


XS
SM
MD
LG