Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isbedel kale oo lagu sameeyey jadwalka doorashada Soomaaliya


Maxamed Xasan, guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal
Maxamed Xasan, guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal

Guddiga lagu mursan yahay ee doorashooyinka qaranka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay xalay soo saareen ku sheegay in mar kale uu isbedel ku yimid jadwalkii loo qorsheeyay inay ku dhacaan doorashooyinka xildhibaannada Aqalka Sare.

Jadwalkii hore ee guddiga dejiyey ayaa ahaa in doorashada ay billaabato 31-ka Decembar 2020 ilaa 6-da Janaayo 2021-ka.

Jadwalkan cusub ayey guddigan sheegeen in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5-ta Jannaayo 2021-ka, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7 illaa 14 Janaayo 2021.

Wariyaha VOA-da Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan kasoo dirtay Muqdisho.

Isbedel kale oo lagu sameeyey jadwalka doorashada Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:01 0:00


XS
SM
MD
LG