Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Haweenka iyo Qoyska: Korinta Carruurta ee Qoysaska Dhadhaab


Qoysas badan oo ku nool xeryaha qaxootiga ee dhadhaab ayaa la kufaa kaca korinta caruurtooda. Badi qoysaska xeryaha ayay noloshoodu ku tiirsan tahay garaamaadka ay ka helaan hay’adda UNHCR ee gacanta ku haysta xereda.

Hase ahaatee garaamaadkaasi maaha kuwo dabooli kara baahida qoysaska oo ka mug wayn cuno garaamaad ah waayo carruurtu waxay u baahan yihiin arad-tir joogto ah, iyo tas-hiiladka kale ee waxbarashadooda sida buugaagta iyo qalimaanta.

Hadaba aabaha iyo hooyada ku nool xeryaha Dhadhaab ma yihiin kuwo si siman u qaadaa masuuliyadda reerka? Waa qodobka uu ku saabsan yahay Barnamijka Haweenka iyo Qoyska ee toddobaadkan.

Dhageyso barnaamijka oo dhameystiran oo ay diyaarisay Caasho Ibrahim Aden (Caashocuud)

Dhageyso: Korinta Carruurta ee Dadhaab
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:50 0:00


XS
SM
MD
LG