Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weriye Abuuja oo maanta maxkamad lasoo taagay


Weriye Abuuja
Weriye Abuuja

Weriye Maxamed Cabduwahaab Nuur Abuuja oo tan iyo horraantii sannadkan u xirnaa hay’adaha amniga Soomaaliya ayaa maanta la horkeenay maxkamadda ciidamada isagoo ku eedaysan inuu gaystay dil.

Qof ka mid ah markhaatiyayaasha maxkamadda la horkeenay ayaa la sheegay inay jawaabaha uu bixiyey ay is buriyeen, sida ay tebisay warbaahinta dawladda Soomaaliya.

Qareennada eedaysanaha ayaa beeniyey eedaha loo soo jeediyey, waxayna sheegeen in dacwad oogistu aysan keenin wax caddayn ah oo taageeraysa eedaha loo soo jeediyey Maxamed Cabdiwahaab Nuur Abuuja, waxayna ku baaqeen in la sii daayo.

Ururrada xuquuqda aadanaha iyo kuwa u dooda xaqa suxufiyiinta ayaa ka qaybgalay dhagaysigaasi, waxayna sheegeen inay rajaynayaan in go’aanka maxkamaddu uu noqdo mid caddaalad ah.

Ehellada weriyaha ayaa iyaguna u sheegay saxaafadda in weriye Maxamed Cabdiwahaab Nuur uu u xiran yahay xirfaddiisa weriyennimo.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay arrintaas go’aan ka soo saari doonto.

XS
SM
MD
LG