Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Xuska 60 guuradii xorriyadda Soomaaliya


Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay 60-guurada ka soo wareegtay xorriyadda Soomaaliya iyo xaalku sida uu haatan yahay lixdan sano oo uu dalku madax banaani haystay ka dib.

Barnaamijkan waxa uu gabagaba u yahay barnaamijyo taxane ahaa oo ay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA ka diyaarisay taariikhda dheer ee Soomaalida ka hor gumeysiga, xilligii gumeystaha iyo markii uu dalku xorriyadda ka helay gumesytayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga ayna israaceen labadii gobol ee Waqooyi iyo Koofur.

Barnaamijka maanta waxa aan si gaar ah ugu eegeynaa, lixdan sano ka dib. xoriyaddii, xagee looga tallaabi karaa waxii la soo marey, maxaasee Soomaalida la goudboon?

Maadaama in ku dhow 70% ay shacabka Soomaaliyeed yihiin dhallinyaro, waxa aan fursad siineynaa dhallinyarada Soomaalida ee ku teedsan gobolka Geeska Afrika si ay fikir uga dhiibtaan nooca Soomali ee ay rabaan in ay arkaan mustqabalka.

Barnaamijkan waxaa soo diyaarisay, soona jeedineysa Sahra Ciidle Nuur.

Dhageyso Barn. Faaqidaadda Toddobaadka
please wait

No media source currently available

0:00 0:27:18 0:00



XS
SM
MD
LG