Barnaamijka Galka Baarista waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay inta uu le’eg yahay heerka faafitaanka cudurka Coronavirus ee Soomaaliya, marka la eego awoodda baaritaan ee dowladda Soomaaliya oo aad u yar, xilli dhaqaatiirta ay rumeysan yihiin in tirada dadka laga helay cudurka ay aad uga yar tahay dadka dhab ahaan qaba cudurka.
Barnaamijka sidoo kale wuxuu eegayaa caqabadaha ka jira isbitaalka loo qorsheeyey dadka qaba xanuunka, iyo dhibaatooyinka haysta dhaqaatiirta iyo shaqaalaha caafimaad ee la tacaalaya xanuunkan.
Barnaamijka waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf.