Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wariye Siciid Yuusuf Cali oo Lagu Dilay Muqdisho


Wariya Siciid Yuusuf Cali oo ka tirsanaa televisoinka maxa banaan ee Kalsan ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdiso, sida uu voa da u xaqiijiyay xoghayah ururka isutagga saxifiyiinta soomalaiyeed ee NUSOJ maxamed Ibrahim Macalimuu.

Dilka wariyaha ayaa ka dhacay xaafadda Seey-Biyaano ee degmada Hodan, waxaana geystay qof ku hubeysnaa toorrey. Dhaawaca wariyaha ayaa waxaa loola cararay mid ka mid ah cisbtaalada magaalada Muqdisho kaasoo uu markii dambe kui u geeriyooday.

Xoghayaha ururka isutagga saxifiyiinta Soomalaiyeed ee NUSOJ ayaa sheegay in aysan garaneyn sababta ka dambeysa dilkiisa, waxaana uu sheegay in ay ka war sugayaan hay’adaha amaanka in ay baaritaan ku sameeyaan dilka wariyaha oo ay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglaha geystay dilka

Ma jirto cid sheegatay dilka wariye Siciid Yuusuf Cali

XS
SM
MD
LG