Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia oo shaacisay kiisas cusub iyo dhimasho la xiriirta COVID-19


Dawladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay kiisas cusub oo ah cudurka Coronavirus oo laga helay waddanka 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Goor dhowayd ayaa dawladda Soomaaliya sheegtay in la diiwaan geliyey 48 kiis oo cusub oo ah cudurka Coronavirus iyo laba dhimasho ah. Taasi waxay ka dhigaysaa dhimashada 28, halka kiisaska guudna ay yihiin 528.

41 ka mid ah kiisaska maanta la shaaciyey ayaa laga diiwaan geliyey magaalada Muqdisho, halka saddex laga soo sheegay Jubbaland, afarta kalane Koonfur Galbeed.

Bishii Maarso 16-keedii ayaa Soomaaliya lagaga dhiwaaqay kiiskii u horreeyey ee COVID-19.

Soomaaliya ayaa hadda dalka labaad ee laga diiwaan-geliyey kiisaska ugu badan ee COVID-19 ee dalalka ku yaalla Bariga Africa, inta la shaaciyey.

Inta badan kiisaska Soomaaliya ayaa laga diiwaan-geliyey magaalada Muqdisho, oo ah halka kiiskii ugu horreeyey ee dalka laga helay.

XS
SM
MD
LG