Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fatahaad khasaare badan sababtay oo ka dhacday Qardho


Fatahaadda Qardho
Fatahaadda Qardho

Ugu yaraan lix qof ayaa dhimatay, ila 10 kalena waa la la'yahay, kadib roobab laxaad leh oo sababay fatahaad oo ku dhuftay degaanka magaalada Qardho.

Mas'uuliyiinta degaanka ayaa sheegay inay haatan xaqiijiyeen dhimashada lix qof, kuwa kalena aan la haynin raq iyo ruux.

Mas'uuliyiinta magaalada Qardho ayaa sidoo kale u sheegay idaacadda VOA in khasaaraha hantiyed ee ay daadakan gaysteen ay yihiin kuwo culus.

Culimada iyo dadka ka shaqeeya samafalka ayaa tilmaamay xaaladda ka dhacday magaalada Qardho mid musiibo ah.

Guryo iyo bakhaarada cuntada ayaa robabku burburiyeen, waxaa sidoo kale ay qaadeen baabuur iyo hanti kale.

Roobabkan ayaa ahaa kuwii gu'ga oo xilligan oo kale Soomaaliya ka da'a.

Daadadkan ayaa sidoo kale saamaayey isku socodka gaadiidka maadaama roobabkan ay daciifiyeen buundooyinka iyo waddoonka la maro.

Mas'uuliyiin sare oo ka tirsan Puntland ayaa booqday magaalada Qardho.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si wadajir ah loogu istaago gurmadka dadka waxyelladu kasoo gaartay roobabka iyo fatahaadaha magaalada Qardho.

XS
SM
MD
LG