Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shacab lagu dhaawacay weerar ka dhacay Hareeri Caadle


Laba qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay weerar maanta ka dhacay deegaanka Hareeri Caadle oo u dhow degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Arrintan ayaa ka dambaysay markii maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay qarax la beegsadeen kolonyo ciidamada Amisom ah oo u socday magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi kadib ayaa la maqlay rasaas ka dhacday aagga.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay iska difaaceen weerarka kaga yimid Al-Shabaab ayna sii wateen safarkooda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxa.

Wadada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ayaa noqotay mid aad u halis badan Malayshiyada Al-Shabaab ayaa ka geystay dhowr jeer weeraro lagu waxyeeleeyay ciidamada Amisom iyo mas’uuliyiin HirShabelle ka tirsan.

XS
SM
MD
LG