Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kumuu ahaa Yuusuf Jiis, sarkaalka Mareykanka ay dileen?


Shabaab
Shabaab

Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in duqayn ay 2-dii bishan Abriil ka gaysteen degaanka Bush Madina ee Gobolka Bay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan maleshiyada Al-Shabaab.

Maraykanku waxa uu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duqayntaas lagu dilay ninka lagu magacaabo Yuusuf Jiis.

Maraykanka ayaa ninkaas ku tilmaamay inuu ka mid ahaa dadka laf dhabarta u ah kooxda, isla markaana uu ahaa nin arxan daran oo mas'uul ka ah gumaadka shacabka.

Idaacadda VOA Somali oo la xiriirtay saraakiil Soomaali ah ayaa sheegay inuu Yuusuf Jiis uu xarakada horey ugu qaabilsanaa dabagalka hay’adaha gargaarka, kuwa maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Yuusuf Jiis ayaa magaciisa oo buuxa lagu sheegay Yusuf Nuur Sheekh Xasan, waxaa sidoo kale uu isticmaali jiray magacyo kala duwan oo uu ka mid yahay Bashar iyo Macalin Sahal.

Waxa la sheegay inuu beryihii u dambeeyey uu Shabaab kala shaqaynayey dhinaca Xisbada (Booliis) iska markaana dhowaan lagu daray Shuurada.

Saraakiisha Soomaalidu waxay sheegeen in duqayntaas ay ku dhinteen saddex qof, waxay intaas ku dareen in ragga la dilay uu ka mid ahaa Yoonis Sheekh Daahir oo ka mid ahaa saraakiisha sirdoonka ee xarakada. Qofka saddexaad ayaan weli la xaqiijin.

Isla maanta ayaa Maraykanku sheegay In duqayn ka dhacday Jilib lagu dilay shan ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG