Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xubno Daacish ahaa oo lagu toogtay Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Ciidamada amniga ee dawladda Soomaaliya ayaa toogtay laba nin oo ka tirsan maleeshiyada ururka Daacish, sida ay ilo amniga ah u sheegeen VOA.

Mas’uuliyiinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labada qof ee ka tirsanaa ururka argagixisada Daacish inay iska caabin sameeyeen kadibna ay ciidamadu toogteen halkaasna ku dileen.

Laamaha amnigu waxay sheegeen in raggaasi la toogtay ay hubaysnaayeen isla markaana ay damacsanaayeen inay weeraro gaystaan.

Qof saddexaad oo rayid ah ayaa ku dhintay rasaasta la isku riday, sida ay goobjoogayaal u sheegeen idaacadda VOA.

Waxaa sidoo kale labada nin ee la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka Daacish ay dhaawaceen askari ka tirsan ciidamada booliska.

Dhinaca kalena magaalada Garoowe waxaa maanta lagu aasay Guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi ”Gu’jir” oo xalay uu weerar ku qaaday nin isa soo miidaamyey.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

XS
SM
MD
LG