Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Soomaaliya oo Joojisay Duulimaadyada Gudaha


Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in si ku meel gaar ah laga bilaabo maalinta berrito ah loo joojinayo duulimaadyada dalka gudahiisa ah si loo xakameeyo cudurka Coronavirus.

Amarkan ayaa waxa uu ka soo baxay wasaaradda gaadiidka ee dowladda Soomaaliya, iyadoo la faray shirkadaha duulimaadyada gudaha iney joojiyaan safarrada ay ka dhex sameeyaan magaalooyinka dalka.

Arrintan ayaa ka danbeysay ka dib markii ay dowladda Soomaaliya xaqiijisay in saddex qof oo midkood uu ajnabi yahay uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

Wariyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Muqdisho.

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:44 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG