Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyey nawaaxiga Janaale


Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in duqayn kale oo cusub oo laga gaystay Soomaaliya lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duqayntan ay dhacday 9-kii Maarso oo ahayd Isniintii, duqayntaasina ay ka dhacday nawaaxiga magaalada Janaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Maraykanku waxay sheegeen in duqyantan lagu dilay afar ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Maraykanku waxa uu intaas ku daray in qiimayntoodu ay muujinayso inaan dad rayid ah waxba ku noqonin duqayntaas.

Duqayntaan ayaa la gaystay iyadoo iskaashi lala samaynayo dawladda Soomaaliya, sida ay Maraykanku sheegeen.

Waa duqayntii 25-aad ee Marayanku uu ka gaysto Soomaaliya sannadkan gudihiis.

XS
SM
MD
LG