Xaaladda magaalada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa deggan maanta kadib iska horimaadyo shalay ka dhacay halkaasi oo ay ku dhinteen shan askari.
Xiisaddaasi ayaa ka dhalatay isbeddel lagu sameeyey maamulka degmada kadib markii guddoomiyihii hore ee degmada uu diiday inuu xilka wareejiyo.
Guddoomiyaha ayaa la sheegay in iminka uu isku soo dhiibay maamulka Koonfur Galbeed.
Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixintan noo soo diray.
Facebook Forum