Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiye Ku-xigeenkii G. Shabeellaha Hoose oo Qarax Lagu Dilay


Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Guddoomiye kuxigeenkii Gobolka Shabeellaha Hoose Cumar Maxamuud Cilmi "Cumar Carrabey" lagu dilay weerar bambaano ah oo lagu qaaday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Afgooye.

Guriga uu ka degganaa Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellada Hoose ee Arrimaha Bulshada ayaa la sheegay in bambo lagu tuuray. Guddoomiye ku xigeenka ayaa la sheegay in dhaawiciisa loo soo qaaday magaalada Muqdishu, balse uu ku dhintay cisbitaalka Digfeer, sida saraakiil dhinaca amniga ah ay u sheegeen idaacadda VOA.

Weerarka ayaa dhacay gelinkii dambe ee Arbacada. Ilaa haatanna ma jirto cid weli shegatay mas'uuliyadda weerarka.

Khadka telefoonka ayaa Haaruun Macruuf uu kula xiriiray Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax.

Wareysi Gudoomiyaha Shabeelaha Hoose
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:40 0:00


XS
SM
MD
LG