Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo: Wada-hadal kama galeyno badda


Farmaajo oo ka hadlaya QM
Farmaajo oo ka hadlaya QM

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Framaajo ayaa shalay khudbad ka jeediyey kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay doonayso in muranka badda ee kala dhexeeya Kenya ay xaliso maxkamadda caalamiga ah, oo lagu wado inay mar kale dhageysato 4-ta November.

Hase yeeshee, madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaca kale sheegay in labada madaxweyne ay ku heshiiyeen in caadi lagu soo celiyo xiriirka labada waddan.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa imanaya ayada oo dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta uu sheegay in Kenya ay dadaal xooggan ku bixineyso sidii muranka dhinaca xuduudda badda ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya loogu xalin lahaa wada xaajood.

Warbixintan waxaa New York nooga soo diray Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.

Farmaajo: Wada-hadal kama galeyno badda
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:14 0:00


XS
SM
MD
LG