Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Zimbabwe oo 3-1 kaga adkaatay Soomaaliya


Xulka kubadda cagta Zimbabwe ayaa 3-1 kaga adkaaday xulka Soomaaliya, cayaar ka tirsaneyd wareegga koowaad ee is-reeb reebka loogu soo baxayo koobka adduunka ee 2022.

Zimbabwe ayaa daqiiqaddii 77-aad ee cayaarta ku hormartay hoggaanka, hase yeeshee Soomaaliya ayaa barbareysay daqiiqaddii 85-aad, kadib gool uu dhaliyey Cumar Maxamed.

Soomaaliya ayaa u baahneyd inaan shanta daqiiqo ee u dambeysay cayaarta aan laga dhalin wax aan ka badneyn hal gool, si ay usoo gudubto waxayna u ekeyd wax aad u adag in Zimbabwe ay laba gool la timaado daqiiqadaha yar ee cayaarta ka haray.

Hase yeeshee Zimbabwe ayaa labada gool dhalisay daqiiqadihii 86-aad iyo 90-aad ee cayaarta, kuna adkaatay 3-1.

Zimbabwe ayaa wareega xiga ee is-reeb reebka koobka adduunka ugu gudubtay cel-celis ah 3-2, maadaama Soomaaliya ay lugtii koowaad kusoo adkaatay 1-0.

Hadaba cayaartaasi oo dadka reer Zimbabwe iyo Soomaaliya ay aad ula socdeen waxaa dadkii daawaday ka mid ah Cabdulqaadir Maxamed Faarax Biriq, oo ah cayaartooy hore, iyo khabiir cayaaraha ka faalooda, Axmed Cali Sheekh ayaa khadka taleefanka ee London kula xiiiray, kana wareystay cayaarta.

Zimbabwe oo reebtay Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:44 0:00


XS
SM
MD
LG