Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaf oo u jawaabay Farmaajo


Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka jawaabay khudbad uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay inuu yahay bukaan diiday daawadii loo qoray.

Muranka labada dhinac ayaa salka ku haya khilaafka dowladda iyo maamulka Galmudug iyo shirkii fashilmay ee Garoowe oo qodobadii la isku qabtay ay arrintaas ka mid ahayd.

Farmaajo ayaa sheegay inuu diiday in madaxweyne Xaaf muddo xileedka loo kordhiyo, taasi oo la isku soo qaaday intii uu socday shirka Garoowe.

Xaaf ayaa xalay la hadlayay jaaliyadda Galmudug ee magaalada Nairobi, wuxuuna sheegay in dowladda ay anixisay sharci doorasho oo u muuqda mid xilka lagu kororsanayo.

Xaaf ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka inay faro-gelin ku hayso maamulka Galmudug.

Warbixintan waxaa halkaasi ka soo diray Khadar Maxamud Xareed.

Xaaf oo u jawaabay madaxweyne Farmaajo
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:00 0:00

XS
SM
MD
LG